HomeFAA’IDOOYINKA KAFEEGA IYO INTA KOOB EE HABOON INUU QOFKU MAALINTII CABO

FAA’IDOOYINKA KAFEEGA IYO INTA KOOB EE HABOON INUU QOFKU MAALINTII CABO

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

kafeega caafimaadKafeegu waxa uu weligiiba ahaa sharaab muran badan oo dhinac caafimaadka ah ka dhex dhaliya khubarada caafimaadka, badhkood ayaa baadhitaanno kala duwan ku soo ogaada in bunku uu khatar ku yahay caafimaadka oo qasab ay tahay in laga dheeraado, markaasay kuwo kale soo helaan faa’idooyin badan oo uu u leeyahay caafimaadka, laakiin runtu waxa ay ku soo ururaysaa in kafeegu uu faa’idooyin badan oo caafimaad u leeyahay xaalado gaar ah, halka dhibna uu ku keeno xaalado kale, sidaa awgeed qofka kafeega isticmaalaya waxa uun la gudboon in uu qiimeeyo xaaladdiisa caafimaad, kadibna go’aan ka gaadho dhibta iyo dheefta midda bunku u keenayo isaga.

Daraasado kala duwan oo sannadihii u dambeeyey ka soo baxay meelo kala duwan oo dunida ah ayaa iyagu si cad u diidday in kafeega uu haba-yaraato ee wax khatar ah ku leeyahay caafimaadka. Balse, dhibaato iska daa’ oo ay cabbista kafeegu ka hortag u noqoto cudurrada ku dhaca wadnaha, xididdada dhiigga, cudukra asaasaqa keena ee Alzheimer, Parkinson disease, macaanka iyo noocyo kanskar ka mid ah, gaar ahaan nooca ku dhaca qanjidhka Prostate ka iyo kan naaska ku dhaca.

Guddi khubaro ah oo dawladda Maraykanka u qaabilsan talooyinka caafimaad ee la xidhiidha cuntooyinka iyo cabbitaannada ayaa talo bixin ay shanti sano mar soo saaraan oo soo baxday bishii Feebarweri ee sannadkan waxa ay ku sheegeen in kafeegu inta badan aanu dhib caafimaad lahayn,(Marka laga tago xaalado dhif ah). khubaradani waxa ay sheegeen in baadhitaan cilmi oo ay muddo wadeen ay ku ogaadeen in qofka oo maalintii cabba saddex illaa shan koob oo bun ah, aanay wax dhibaato ah ku keenayn caafimaadkiisa.

Warkaan oo ay faafisay wakaaladda France Press ayaa intaas ku daraya in khubaro kale oo arrintan ka hadlay ay sheegeen in aan weli si buuxda la isugu hallayn karin fikirka ah in bunku uu cudurro ka dawo yahay, gaar ahaan kansarka, laakiin waxa la hubo ee cilmibaadhistan ku jiraa ay tahay in bunka 3 illaa 5 koob oo maalintii la cabbaa anay dhib caafimaad lahayn

Dhinaca kale waxa ay khubaradu sheegeen in dumarka uurka leh aanu bunku u fiicnayn gaar ahaan in maalinti iaanu kaga badan 200mg oo u dhigma laba koob, waxa aanay sheegeen in uu bunku gabadha uurka leh ku keeni karo in ilmuhu ka soo dhaco ama dhasho sidkiisa ka hor.

Tijaabo mar sii horreysay lagu sameeyey 25 kun oo qof oo u dhashay dalka Kuuriyada Koonfureed ayaa iyaduna iftiimisay in dadka maalintii cabba 3 illaa 5 koob oo kafee ah, ay halbawlayaashooda dhiiggu ka nadaafad badan yihiin dadka aan cabbin ee dhiggooda ah, isla markaana ay ku yar tahay guntimaha iyo ka samaysma dufanka (Kalastaroolka) oo ah kuwa inta badan keena wadne xanuunka.

 

Qalinkii cabdi cawiye

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories